Labo maleeshiyo oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Shabeellaha Hoose

Maleeshiyo Al-Shabaab ah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gudaha Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Khamiistii ka dhacday deegaan kuyaala gobolka Shabeellaha Hoose, sida taliska Mareykanka ee Afrika ay bayaan ku sheegeen maanta oo Jimce ah.

Duqeynyta ayaa sidoo kale lagu burburshay mooto ay wateen maleeshiyadu, sida lagu sheegay bayaanka.

Ma jirto wax shacab ah oo dhibbaato ay ka soo gaartay weerarkaas, bayaanka ayaa intaas ku sii daray.

Waxa uu noqonayaa duqeyntii labaad oo Mareykanku fuliyaan asbuucaan. Hal dagaalyahan oo Al-Shabaab ahaa ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Jubbada Dhexe Talaadadii, sida ay sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika.

Mareykanka ayaa labadii sanno oo u dambeysay kordhiyay duqeymaha gudaha Soomaaliya, waxaana lagu dilay boqolaal dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*