Labo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ku qaaday meel u dhow Muqdisho

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqen uu Mareykanku ka geystay gudaha Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen milatariga Mareykanka ee Afrika maanta oo Khamiis ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday tuulada Mubaarak, oo qiyaastii 37 mayl dhanka galbeedka kaga beegan Muqdisho Talaadadii oo bishu ahayd 11 September.

“Duqeyn uu qaaday Mareykanku oo ka dhan ah cadowga kadib markii Mareykanka iyo saaxiibadiisa lasoo weeraray. Waxaan hadda xaqiijinay in labo argagixisada katirsan la dilay mid kalena lagu dhaawacay duqeynta.” Bayaanka ayaa sidaa lagu sheegay, waxaana lagu sii daray in wax shacab ah aysan ku waxyeeloobin duqeynta.

Sida ay sheegeen Mareykanku, hal askari oo katirsan ciidamada Soomaaliya ayaa lagu dilay labo kalena waa ay ku dhaawmeen dagaalka lala galay Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray September, milatariga Mareykanka ayaa qaaday afar duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab-ta ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana lagu dilay dhowr maleeshiyo ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*