Labo kamid ah saddex nin oo lagu helay kufsi iyo dilka gabar 12-sanno jir ahayd oo la toogtay

Dhacaanada DNA oo laga qaaday saddexda nin ayaa cadeeyay in ay dambigaas galeen. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Labo kamid ah saddex nin oo lagu helay in ay kufsadeen oo ay dileen gabar 12-sanno jir ahayd ayaa subaxnimadii hore maanta oo Talaado ah lagu toogtay magaalada Boosaaso, sida uu xaqiijiyay aabaha gabadha dhalay.

Ilyaas Adan oo ah aabaha gabadha yar ee dhiblku gaaray dhalay oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in labo kamid ah nimankaas la toogtay.

Waxa uu intaas ku daray in ninka saddexaad kiiskiisa dib loo dhigay muddo toban beri ah sababo la xiriira baaris dheeri ah ama wadahadal.

Saddexda nin oo labo ay walaalo tahay ayaa maxkmadaha Puntland ku xukumeen dil toogasho ah kadib markii lagu helay in ay kufsadeen oo ay dileen Caasho Ilyaas Adan.

Dhacaanada DNA oo laga qaaday saddexda nin ayaa cadeeyay in ay dambigaas galeen, taasoo ka dhigtay markii ugu horeysay gudaha Soomaaliya oo DNA loo adeegsado si loo baaro dambi noocaas oo kale ah.

Dambiga ka dhanka ah Caasho Ilyaas Aadan ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo bishii Febaraayo ee sanadkii 2019.

Gaboodfalkaas ka dhanka ahaa gabadha yar ayaa caro weyn ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*