Labo Gabey iyo Labo Habeen oo Taariikhda u galay Soomaaliya

Sanadkii 1960 kii oo ahayd xilligii dalkeena Soomaaliya uu ka xorroobay labadii gumeyste ee kalaa ahaa Talyaani iyo Ingiiriis waxaa dhacday in habeenkii calanka la saarayey ay ahayd amin jaceylka iyo qiimaha xorriyadda ay qabeenkii dadkii Soomaaliyeed mid aan la qiyaasi karin.  Taariikhdu  markii ay 26-June-1960.kii waxaa diiwaanka galay Gabeygii caanka noqday ee uu tiriyay AUN Abwaan Cabdulaahi Suldaan Timo Cadde magaciisuna ahaa ‘Kaana Siib, Kanna Saar’ oo ula jeeday in la dajiyo calankii Ingiriiska oo la saaro Calanka Soomaaliya; gabeyga oo mirrihiis aan qayb ka soo qaatay wuxuu u ahaa sida soo socota:

“…Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar”.

Iyaddoo xaley ahayd caleemo saarkii Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni kuna taariikhsanayd 26-Jan-2019,  waxay ahayd goor habeen ah iyo madal kulmisay madax badan oo hoggaamisa maamulo heer gobol mid dowladda dhexe ah laakin ma ahayn amin la qiimo ah middii habeenkii xorriyada ahna mid ruux walba garan karo maqaamka ay kala joogtay Soomaalidu labadaas taariikh.

Anigoo uga gol leh soo qaadaashada iyo isbarbardhiga labadaas habeen waxaa jirta habeenkii calanka la saarayay ay Hargeysa ahayd meeshii ugu horeysay ee calanka laga taagay laakin nasiib darro ay maanta tahay meel uu ka dul babano calan aan ahayn kii habeenkaas la taagay.  Sidoo kale, jiil badan ay u qabaan jamasho iyo jaceyl in Soomaaliya dib u noqoto mid mideysan oo dunida ku leh sharaf iyo maqaam sare, waxaa jirtay in Abwaan Faarax Murtiile uu ku cabiray gabey in loo bahan yahay in Mudane Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargeysa oo uu ku dadaalo inuu qanciyo tabashada  walaalaha gobolada  Woqooyiga ee Soomaaliya, haddaba iyaddoo arrintaasi jirto Abwaanku wuxuu ku muujiyay dareenkiisa qaab gabey ah oo tuducyada gabeyguna u dhacayaan sida soo socota:

“Waxaa geesi taliyaa
Arrinkiisu toosaa
Marku shacabku taakulo
Tabantaabo siiyee
Garbihiisa tubanyiin

Saadaadba waa kii
Yuhuudda u tallaabee
Talaabiib ka degayee
Ilamaa tin iyo cirib
Lagu teedshay ubaxee

Dadku waa tolkaayoo
Taa kama shisheeyee
Adna tow dhohoo bood
Tag Hargaysa oo duul
Gabay dhiigga taabtiyo
Maansooyin tiriyoo
Deedna waxa tiraahdaa:
Tolla’ay reer Hargaysow
Burca iyo Togdheerey
Calankii aad taagteen
Tacabkii ha luminina
Aniguna ma tagayee
Ama tiirka igu xira
Ama taajka ii sura.”

Markii aynu ka soo tagno labadaas dhacdo, Jiilka haata jooga waxaa ugu jira casharro taariikhda galaya iyo faa’idooyin ay ka mid yihiin:

  1. In dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah iyo kuwo isku sinji ah si kastoo gumeyste iyo dano shisheeyo ku kala qaybiyaan ay muhiim tahay in ay dib uga midoobaan wax kasta oo soo dhex maray.
  2. In qiimaha dalka, dadka iyo calanka loo huro naf iyo maal oo marnaba lagu hoos noolaan kuwo u shaqeynaya gumeystayaashii tooska ah iyo kuwo dadban ee haatan inna kala qoqobay.
  3. In fariinta Faarax murtiile ahayd in uusan jirin waqti dheeraad ah la sugin gobolada waqooyi ee loo tago tabashadana la xaliyo si ay ku jirto Soomaalinimo iyo walaalnimo.

Gabo gabo, Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan laga soo bilaabo ilaa maalintii xornimada, qaran jabkii, dagaaladii sokeeye iyo soo if bixii ururada kala aragtida duwan iyo nidaamka faderaalka ah waxaa wali jirta fursad ay hoggaamiyaashu ku noqon karaan kuwo u hiiliya jiilka uu ragaadsaday dagaalada sokeeye, abaaraha, cudurrada iyo aqoon la’aantu. Haddii aysan middaasi dhicin, waxaa iman doonta fursad uu ku curto kacaan la mid ah midkii ka curtay wadamadii carabta ee loo bixiyay Gu’gii carab iyadoo dhalinyarada dalka ay noqon doonaan kuwo horbooda isbaddelkaas mustaqballeed ee waqtigu ku gudban yahay.

Waxaa diyaarshay Maxamed Cismaan Muumin.

_____________________________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*