Labo dagaalyahan oo katirsan ururka Al-Shabaab oo lagu qabtay gudaha Garoowe

Askari katirsan Puntland oo ilaalo ku jira intii lagu guda jiray howlgalka ka dhanka ah dagaalyahanada. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Labo dagaalyahan oo katirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu qabtay gudaha Garoowe horaantii asbuucaan, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Labada dagaalyahan ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ay si wada jir ah u qaadeen Ciidamada Sirdoonka Puntland ee (PIA) iyo Haayada la dagaalanka Argagixisada Puntland, sida uu sheegay sargaal dhanka ammaanka ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma ogola in uu warbaahinta la hadlo.

“Waxaanu ku qabanay howlgal ay si wada jir ah u qaadeen Ciidamada Sirdoonka Puntland ee (PIA) iyo Haayada la dagaalanka Argagixisada Puntland oo ka dhacay gudaha magaalada Garoowe afar maalmood kahor.” Ilo-wareedka ayaa sidaas yiri.

Labada dagaalyahan ayaa kasoo qeybgalay dagaalo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, balse iyagu waxay kasoo jeedaan Puntland, ilo-wareeka ayaa intaas ku daray.

Sawir gaar ah oo uu helay Puntland Mirror ayaa muujinaya mid kamid ah nimanka oo ay ciidamadu indhaha ka xireen.

Mid kamid ah dagaalyahanada oo ay askartu indhaha ka xireen. [Sawirka: Puntland Mirror]

Sanadihii lasoo dhaafay, maleeshiyada ayaa weeraro dhimasho leh ka geysatay gudaha magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa maleeshiyada kula dagaalamaya gudaha Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*