Labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka geystay Jubbada Hoose

Maleeshiyo Al-Shabaab ah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Jimcadii ka dhacday deegaanka Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay bayaan ku sheegeen maanta oo Sabti ah.

Ma ay jiraan wax shacab ah oo dhibbaato kasoo gaartay weerarka, bayaanka ayaa intaas raaciyay.

Tan iyo sanadkii 2017, Washington ayaa kordhisay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ugu yaraan 244 dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay 25 duqeymoood oo dhacay ilaa iyo sanadkan 2019, sida ay muujinayso tirakoob ay sii daayeen AFRICOM.

Sanadkii hore ee 2018, Mareykanka ayaa fuliyay 47 duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana lagu dilay 338 dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*