Labo askari oo katirsan ciidamada Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Askar Puntland ah gudaha Boosaaso. [sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Labo askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa caawa fiidkii oo Jimce ah lagu dilay magaalada Boosaaso, sida uu sheegay sargaal katirsan laamaha ammaanka.

Hal askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, sargaalka, oo magaciisa qariyay, ayaa sidaa u sheegay bog wareedka Puntland Mirror.

Nimankii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, sargaalka ayaa intaas ku daray.

Ma jirto koox si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarka, balse maleeshiyooyinka argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan weeraro ka fuliya magaalo xeebeedka Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*