Labo askari oo katirsan ciidamada canshuurta oo lagu dilay Boosaaso

Magaalo xeebeedka Boosaaso.[Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Labo askari oo katirsanaa ciidamada Puntland ayaa lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo ammaanka ah.

Dablay aan haybtooda la aqoon ayaa labada askari ku toogtay bartamaha magaalada, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Dablayda ayaa goobta ka baxsatay kadib dilka.

Ciidamada la dilay ayaa la sheegay in ay katirsanaayeen ciidanka canshuurta magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu dilku ka dhacay, iyaga oo halkaas ka bilaabay baaritaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*