Kulankii golaha baarlamaanka Soomaaliya oo baaqday

Sawirka: Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta oo Sabti ah la filayay in uu ka qabsoomo gudaha Muqdisho ayaa baaqday.

Kulanka ayaa baaqday kadib markii ay soo dhammeystirmi waayeen tirada sharciga ah ee xildhibaanada ee la rabo in ay goobjoog ahaadaan sii uu kulanku u qabsoomo, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in dib uu ka sheegi doono xilliga uu dhacayo kullanku.

Kulanka ayaa la filayay in looga hadlo go’aankii xukuumada ee gacan u gelintii Qalbi Dhagax Itoobiya.

Qaar katirsan xildhibaanada ayaa ku eedeeyay in dowladdu ay sabab u tahay in uu baadqo kulanku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*