Ku dhawaad sideed qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari Muqdishoo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ku dhawaad sideed qof ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho, sida ay sheegtay baabuurka gurmadka deg-dega ah ee AaMIN ambulance.

Sidoo kale 16 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, AaMIN ambulance ayaa intaas ku dartay.

Gaari kale oo qarax wada ayaa haayadaha ammaanka ka hortageen isgoyska KM4, sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Afhayeenka howlgalada milatariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in maleeshiyadu ay ka dambayso qaraxaas.

Asbuucyadii u dambeeyay, qaraxyada ay argagixisada Al-Shabaab ka geysato gudaha Muqdisho ayaa hoos u dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*