Ku dhawaad 80 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Baqdaad ee Ciraaq

Ku dhawaad 80 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Baqdaad ee Ciraaq. [Sawirka: Twitter]
Ku dhawaad 80 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Baqdaad ee Ciraaq. [Sawirka: Twitter]
Baqdaad-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 80 qof oo badankood ay ahaayeen Shiico ayaa lagu dilay qarax weyn oo ka dhacay kaalin shidaal oo kutaala koonfurta caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad, sida ay sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ee ISIS ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay sheegtay wakaalada Amaq ee ku hadasha afka ISIS.

Weerarka ayaa lala eegtay xujay shiico ah kuwaasoo ku sii jeeday magaalada Shiicada ee Kerbala ee dalka Ciraaq kana soo noqday dalka Iran, halkaas oo ay kusoo xuseen Arbaciin, oo ah maalinta 40-tanaad ee xuska dilkii Imaam Xusessn, oo ahaa wiil uu awoowe u ahaa Nabi Maxamed (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee).

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*