Ku dhawaad 16,000 arday oo u fariistay imtixaanka fasalka 4 iyo fasalka 8 gudaha Puntland

Madaxweyne Deni oo furaya imtixaanka gudaha Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 16,000 arday ayaa maanta oo Sabti ah u fariistay imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare iyo fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe gudaha Puntland.

106 goobood oo ku yaala gobolada kala duwan ee Puntland ayaa imtixaanku uu ka dhacayaa, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah imtixaanka uga furay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

“Waa maalin runtii maalin farxadeed ah, waa maalintii imtixaanka ee ay u fariisanayeen arday ku dhow 16,000, runtii dowladda Puntland waxaa sharaf weyn u ah sida quruxda badan oo u nidaamsan oo wasaaradda waxbarashada iyo xafiiska imtixaanaadku u diyaariyeen imtixaanada shahaadiga ah,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Sanad dugsiyeedka sanadkan oo runtii qiimo gaar ah aniga iigu fadhiy oo kii u horeysay anoo xil haya aan uga soo qeybgalo ah, waxaan Ilaahay ka rajeynayaa in imtixaankan uu ku dhammaado guul iyo ardayda oo aan u rajeynayo natiijo wanaagsan.”

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa muddo sannooyin ah qaadeysay imtixaankan mideysan kaasoo tusaale fiican u noqday waxbarashada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*