Ku dhawaad 15,000 arday oo u fariistay imtixaanka fasalka 8-aad iyo fasalka 4-aad gudaha Puntland

Ardayda imtixaanka u fariistay gudaha Garoowe . [Xigashada Sawirka: Facebook/Shareeco Ysin Shareeco]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 15,000 oo arday ah ayaa u fariistay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugisga dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiga sare gudaha Puntand maanta oo Sabti ah, sida Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashahada Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa warbaahinta u sheegay in 15,000 arday ay u fariisteen imtixaanka oo ka dhici doona 100 xarumood oo kuyaala dhammaan gobolada Puntland.

Madaxweyanaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo si rasmi ah imtixaanka uga furay magaalada Garoowe ayaa bogaadiyay heerka waxbarashada Puntland waxaana uu sheegay qofkii waxbarta in uu guul iyo horumar gaaro.

“Waxay muujinaysaa dedaalka ay wasaaradda iyo dowladduba samaysay, in waxbarashadu ay gaarto gobol walba, degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Soomaaliyaba, waxay muujineysaa baahinta waxabarsahada mustaqbalka siday muhiim noogu tahay , dad waxbartey baa guul iyo horumar gaara, idinkana waan idinku amaanayaa in aad laba iyo toban sano aad soo dedaalayseen,” ayuu yiri Cabdiweli.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*