Ku dhawaad 12,000 arday oo imtixaanka guud u fariistay gudaha Puntland

Ku dhawaad 12,000 arday oo imtixaanka guud u fariistay gudaha Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 12,000 arday ayaa maanta oo Sabti ah gudaha Puntland u fariisatay imtixaankooda ugu dambeeya ee fasalka 8-aad iyo fasalka 12-aad, sida ay sheegeen saraaakiisha Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada furitaanka imtixaanka, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa u rajeeyay ardayda mustaqbal wanaagsan oo ifaya.

Imtixaanka ayaa socon doona lix beri, kaasoo ka dhici doona 86 goobood oo kuyaala sagaalka gobol ee Puntland, sida ay sheegeen saraaakiisha Wasaaradda Waxbarashada.

Puntland ayaa lagu tixgeliyaa meesha ugu waxbrashada wanaagsan gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*