Ku dhawaad 10 askari oo Masaari ah oo lagu dilay gobolka Siinaay ee dalka Masar

masaari
Ciidamo Masaari ah oo ilaalo ka haya gobolka Siinaay ee waqooyiga dalka Masar. [Sawirka: Anadolu news agency]
Qaahiro-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 12 xubnood oo ciidamada amaanka Masar ah ayaa lagu dilay lix kalena waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay kantarool kuyaala gobolka Waqooyiga ee Siinay.

Weerarka maanta oo Jimce ah ayaa ka dhacay meel 40km u jirta magaalada Bir Al-abd, waxaana loo adeegsaday weerarkaas qoryaha fudud iyo kuwa culusba, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen wakaalada wararka Reuters.

“Koox hubaysan oo canaasiir argagixiso ah ayaa weerar ku qaaday kantarool amaan oo kuyaala waqooyiga Siinaay saakay iyaga oo watay gaari… Ciidamadayada waxay dileen 15 argagixiso ah,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga.

Ciidamadii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal kuyaala el-Arish. Majirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2013-kii madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Maxamed Mursi, ciidamada amaanka Masar ayaa dagaalo culus kula jiray waxay ugu yeereen kooxo argagixiso oo ku sugan gobolka Siinay. 

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*