Kornayl Caare oo bilaabay dhaqdhaqaaq jabhadeed oo ka dhan ah maamulka Somaliland

Kornayl Caare oo ka hadlaya furitaanka saldhiga cusub. [Sawirka]
Qardho-(Puntland Mirror) Siciid Cawil Caare, oo ahaa sargaal hore oo katirsan ciidamada Somaliland, ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq jabhadeed oo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Isaga oo ka soo muuqday muuqaal lagu daabacay You Tube-ka, wuxuu sheegay in uu saldhig ciidan ka helay deegaanka Qardho ee Puntland.

Caare ayaa sheegay in Somaliland uu uga soo tagay cadaalad daro iyo dulmi.

“Markii aan ka dhex arki waayay cadaalad, markii aan ka dhex arki waayay dowlad loo simanyahay, markii aan ka dhex arki waayay horumar balaaran oo ummadu u simantahay, waxaan go’aansaday in aan saldhig weydiisto Puntland si aan u suuliyo dulmiga,” ayuu yiri.

Asbuucii lasoo dhaafay, Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada maamulka Somaliland ee gobolka Sanaa goo la dhaho Jamaal Maxamed Baaxad ayaa sidoo kale ka goostay ciidamada, waxaana uu ku biiray Kornayl Caare.

Somaliland ayaa hadda dagaal kula jirta Puntland, iyada oo ciidamada labada dhinac ay isku hor fadhiyeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool tan iyo horaantii sanadkan.

Puntland ayaa Somaliland ku eedaysa in ay taageerto maleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada Puntland gudaha Buuraha Caalmadow iyo Galgala.

Waxay u muuqataa in Puntland ay hadda qaadatay siyaasadda ku dhisan “aarsiga”, si ay Somaliland ugu furto furin dagaal oo cusub.

Colaada ka dhaxeysa labada maamul ee deriska ah ayaa waxaa gundhig u ah muranka gobolada Sool iyo Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*