Kooxo hubaysan oo aan la aqoon oo toogasho ku dilay sarkaal militari gudaha Muqdisho

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Niman baastoolado ku hubaysan oo aan la aqoon ayaa toogasho ku dilay magaalada Muqdisho caawa oo Axad ah fiidkii sarkaal ciidamada militariga Soomaaliya katirsan oo la dhaho Kornayl Cabdulaahi Sabriye, sida ay sheegeen goobjoogayaasha.

Nimankii hubaysnaa ee dilka geystay ayaa ka cararay goobta uu dilka ka dhacay, sida ay goobjoogayaasha sheegeen.

Maalinimadii Axada, sarkaal sare oo katirsan ciidamada militariga dowlada Soomaaliya oo la oran jiray Maxamed Rooble Jimcaale loona yaqiin Goobaale iyo lix kamid ahaa ilaaladiisa ayaa lagu dilay Muqdisho kadib markii gaarigiisii lala beegsaday qarax gaari.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyagu ka dambeeyeen qaraxa gaariga ee lagu dilay Goobaale.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, balse maleeshiyada ayaa wali wada weeraradeeda ku dhufoo ka dhaqaaqa ah oo ka dhanka ah dowlada Soomaaliya iyo bartilmaameedyada militari.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*