Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoon oo nin ganacsade ah ku dilay magaalada Boosaaso

Boosaaso waa xarunta ganacsiga Puntland. [Sawirka: Maxamed Axmed/Puntland Mirror]
Boosaaso waa xarunta ganacsiga Puntland. [Sawirka: Maxamed Axmed/Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Nin ganacsade ahaa ayaa kooxo hubaysan caawa oo Isniin ah fiidkii ku dileen magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen saraakiishu.

Waxaa la dhihi jiray ninka dhintay Axmed Xuseen Xasan oo loo yaqaan (Sayidka), sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Sargaal katirsan ciidamada ammaanka Puntland oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ganacsadaha lagu dilay gudaha suuqa weyn ee Boosaaso, halkaas oo uu ku lahaa dukaan yar.

Xuseen ayaa horey u la soo shaqeeyay ciidamada nabadsugida Puntland ee PSF, balse hadda waxa uu haystay ganacsi yar, sida uu sheegay sargaalku.

Labo nin oo baastoolado ku hubaysan ay dileen ganacsadaha. Gacan ku dhiiglayaashii ayaa goobta ka cararay toogashada kadib, sida goobjoogayaal ay u xaqiijiyeen Puntland Mirror.

Ma jirto cid wali sheegatay in ay ka dambayso masuuliyada dilkaas ganacsadaha.

Intii lagu guda jiray dhawaa ee lasoo dhaafay, Boosaaso ayaa goobjoog u noqotay mowjado weeraro ah oo dhiig ku daatay oo lagu bartilmaameedsaday masuuliyiinta dowladda iyo dad kale oo shacab ah, waxaana dilalkaas sheegtay ururada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo ISIS.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*