Kooxo burcadbadeed looga shaki qabo oo xeebta degmada Eyl ku afduubtay dooni yar si ugu ugaarsadaan maraakiibta ganacsi ee gooshaysa xeebaha Badweynta Hindiya

Kooxo burcadbadeed looga shaki qabo oo xeebta degmada Eyl ku afduubtay dooni yar si ugu ugaarsadaan maraakiibta ganacsi ee gooshaysa xeebaha Badweynta Hindiya. [Sawirka: Archive]
Kooxo burcadbadeed looga shaki qabo oo xeebta degmada Eyl ku afduubtay dooni yar si ugu ugaarsadaan maraakiibta ganacsi ee gooshaysa xeebaha Badweynta Hindiya. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kooxo burcadbadeed looga shaki qabo ayaa dooni ku afduubtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal, sida uu Puntland Mirror u sheegay sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland.

Cabdisalaam Maxamuud oo ah sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa warsidaha Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegay in burcadbadeedu ay afduubteen doonida subaxnimadii hore ee maanta oo Jimce ah.

Cabdisalaam ayaa sheegay in burcadbadeedu u afduubteen doonida si ay ugu ugaarsadaan maraakiibta ganacsi ee gooshaysa xeebaha Badweynta Hindiya.

Weerarkan ayaa imaanaya hal asbuuc kadib markii koox burcadbadeed ah ay afduubteen markab ganacsi balse ay sii daayeen kadib markii ay shan beri afduub u haysteen.

Tirada weeraradii burcadbadeeda Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday intii lagu guda jiray shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah, qayb kamid ah kalluumaysatada ku sugan xeebaha Puntland ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad ayna ku noqon doonaan burcadbadeednimada si ay u la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen “jariifayaasha ajaaniibta ah.”

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*