Kooxdii ugu horeysay oo ciidamo Turkiga ka socda ah oo yimid Soomaaliya

Kooxdii ugu horeysay oo ciidamo Turkiga ka socda ah oo yimid Soomaaliya. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxdii ugu horeysay oo ciidamo ah oo ka socda Turkiga ayaa yimid Soomaaliya.

In ka badan 200 ciidamo Turki ah ayaa kasoo degay Muqdisho shalay oo Talaado ahayd si ay u tababaraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayna u ilaaliyaan saldhiga milatariga ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Turkiga ayaa furi doona saldhigiisa milatari ee Muqdisho bisha soo socota, waa saldhiga milatari ee ugu weyn oo Turkigu ku leeyahay wadan ajnabi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*