Koox hubaysan oo Muqdisho ku dhaawacay xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada DFS

Xeer ilaaliye ku-xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdulaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge).

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxo hubaysan oo gaari wata ayaa degmada Wardhiigley ku dhaawacay xeer ilaaliye ku-xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya,  Cabdulaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge), sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sida ay sheegeen goobjoogayaasha kooxda hubaysan ayaa gaariga ay wateen ku hor-gooyay gaariga xeer ilaaliye ku xigeenka iyagoo saraas ku furay, waxaana weerarka ku dhintay darawalkii xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada.

Dhaawaca xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa loola cararay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa horey weeraro kan lamid ah oo ka dhan ah saraakiisha dowlada u qaaday.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*