Kismaayo oo noqotay meel ay diirada saaraan murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. [Sawirka: Archive]
Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. [Sawirka: Archive]
Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa noqotay meel ay diirada saaraan murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya, dhammaan murashixiinta madaxweynaha ayaa booqanaya halkaas si ay uga ololeystaan.

Asbuucii lasoo dhaafay, waxaa halkaas tagay Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake si uu kulamo ula yeesho xubnaha aqalka hoose iyo aqalka sare ee dowladda federaalka ee Jubbaland kasoo jeeda, ugana uu dhaadhicyo in ay doortaan.

Maantana  oo Isniin ah waxaa ku wajahan magaalada Kismaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud si uu isna halkaas uga sameysto ololihiisa.

Jubbaland ayaa ku leh aqalka hoose iyo aqalka sare Soomaaliya ilaa iyo 51 xubnood.

Magaalada Baydhabo oo sanado kahor ahaan jirtay sida Kismaayo maanta isha loogu hayo, ayaa isbadal ku dhacay doorashadaan kadib markii hoggaamiyaha degaanadaas arrimaha siyaasada looga dambeeyo, Shariif Xasan Shiikh Aadan uu sheegay in sanadka uu u taaganyahay madaxtinimada Soomaaliya, lana filayo in xildhibaanada degaanadaas ay dhankiisa noqdaan.

Maxaa Kismaayo isha loogu hayaa?

Kadib markii 2013-kii la dhisay maamulka Jubbaland madaxweynana loo doortay Axmed Maxamed islaam oo loo yaqaan (Axmed Madoobe) magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland waxay noqotay mid dhex-dhexaad u ah siyaasadaha iska-soo horjeeda ee Soomaaliya, taasoo maamulka Axmed Madoobe hoggaaminayo uu ku kasbaday Soomaalida inteeda badan in uu kula dhaqmo siyaasad dhex-dhexaad ah oo aan dhana raacsanayn.

Siyaasadaas dhex-dhexaadka ah waxay soo jiidatay fursad gaar ahna u noqotay murashixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee maanta.

Arrinta kale oo muhiim ka ah ayaa iyana ah Jubbaland oo noqotay maamul goboleedkii kowaad ee soo gunaanada doorashada xildhibaanada aqalka hoose iyo kan sare, halka maamulada kale ay wali ka socoto doorashadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*