Khilaaf xoogan oo ka jira biyo xireen laga dhisayo deegaanka Laacdheere

Dhismaha biyo xireenka Laacdheere. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Khilaaf xoogan ayaa ka jira deegaanka Laacdheere oo kuyaala duleedka magaalada Garoowe kadib markii haayada Islamic Relief ay sheegtay in ay ka dhisayso biyo xireen.

Beeralayda deegaankaas ayaa kasoo horjeestay tilaabadan iyaga oo sheegay in biyo xireenkaas uu caqabad weyn ku keeni doono waraabka beerahooda.

Mid kamid ah beeralayda ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in biyo xireenkaas uusan ahayn mid faaiido u ah dhammaan beeralayda deegaanka.

“Biyo xireenkan maahan mid beeralayda ka wada faaiideysan karaan ee waa mid loo sameynayo koox aan ka badnayn shakhsiyaad goobta deris la ah,” ayuu yiri mid kamid ah beeralayda, oo magiciisa dib u dhigay.

Walaaca khuburada arrimaha deegaanka

Khuburada arrimaha deegaanka ayaa aaminsan in biyo xireenka uu horseedi karo in uu guro ama qalalo toga Garoowe gaar ahaan inta u dhaxaysa Laacdheere ilaa Jibagale, deegaanadaas oo ah xoolo daaqsimeed iyo beero ka faaiideysta biyaha toga oo ka yimaada deegaanada hawdka sare.

Sida ay sheegeen Khuburada arrimaha deegaanka, dhibbaatooyinka kale ee ka dhalan kara biyo xireenkaas ayaa waxaa kamid ah; barakac qoysaska beeralayda ah, duurjoogta biyaha toga cabta oo dabar go’da, hoos u dhac ku imaan kara biyaha magaalada Garoowe sababtoo ah toga oo kor u soo qaada leefelka biyaha.

Khilaafka jira ayaa sidoo kale keeni kara gacan ka hadal ay dad ku dhiman karaan, sida khuburadu ay sheegeen.

Laacdheere oo ah deegaan beeralay ah ayaa dhanka koonfureed qiyaastii 12 kiilomitir ka xiga magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*