Khilaaf u dhaxeeya masuuliyiinta maamulka Galmudug oo ka jira magaalada Cadaado

Sawirka: Magaalada cadaado.

Cadaado-(Puntland Mirror) Khilaaf u dhaxeeya masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ka taagan magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog ogaal ah.

Khilaafka ayaa ka dhashay go’aankii dhawaan ay Galmudug ku taageertay xulufada uu Sucuudigu hoggaamiyo ee kasoo horjeeda Qatar, taasoo ay ku kala qaybsameen hoggaamiyaasha maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casiir iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa si buuxda uga soo horjeestay go’aanka uu soo saaray Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf oo uu ku taageeray xulufada Sucuudiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casiir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ay ku jiraan xabsi guri.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xanibay loona diiday in ay madaxtooyada ka baxaan.

Cali Gacal Casiir ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka NISA oo ilaalin jiray madaxtooyada laga badalay lana keenay ciidamo kale oo taageersan Madaxweyne Xaaf.

Maamulka yar ee Galmudug ayaa u muuqda in uu madaxa lasii gelayo khilaaf xoogan oo u dhaxeeya masuuliyiintiisa sare ee ku sugan Cadaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*