Khadka internetka koonfurta Soomaaliya oo dib u soo noqday kadib saddex asbuuc oo internet la’aan ahayd

Khadka internetka koonfurta Soomaaliya oo dib u soo noqday kadib saddex asbuuc oo internet la’aan ahayd. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Khadka internetka koonfurta Soomaaliya ayaa dib u soo noqday kadib in ka badan saddex asbuuc oo internet la’aan ahayd.

Hormuud oo ah shirkada ugu weyn isgaarsiinta koonfurta Soomaaliya ayaa fariin gaaban oo ay macaamiisheeda taleefoonada gacanta u dirtay ku sheegtay in khadka internet-ka uu dib u soo laabtay.

Saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay, internet la’aanta ayaa saameysay dhammaan gobolada Soomaaliya ee kuyaala koonfurta iyo bartamaha oo ay kamidtahay caasimada Muqdisho.

Masuuliyiinta dowladda, ayaa sheegay in internet la’aanta uu keenay kadib markii markab ganacsi uu jaray fiilo badda hoosteeda ku taalay.

Warbaahinta, ganacsatada, iyo haayadaha dowladda ayaa wajahay dhibbaatooyin ku saabsan howlfulinta shaqo maalmeedkoodii internet la’aan darteed.

Dhawaan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliya Engineer Cabdi Canshuur Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in la’aanta adeega Internet-ka ay ka dhalatay khasaare badan oo dhaqaaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*