Kenya oo wadahadalo ka bilaabi doonta sidii ay ciidankeeda ugala bixi lahayd Soomaaliya

Askari katirsan KDF. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Dowladda Kenya ayaa maalmaha soo socda bilaabi doonta wadahadalo ka bixista ciidankeeda Howlgalka Midowga Afrika (Amisom), sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo xaruntiisu tahay magaalada Nayroobi.

Wadahadalada oo ay hoggaamin doonto Wasiirka Difaaca Kenya Monica Juma ayaa qeyb ka ah ka bixista howlgalka Amisom ee 2021, oo ah sanadka howlgalka nabad-ilaalintu la filayo in uu soo xirmo.

Wadahadalada ayaa ujeedkoodu yahay in la soo afjaro sideed sanno oo ciidamada difaaca Kenya ee loo yaqaan KDF ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya.

KDF ayaa soo galay ciida Soomaaliya 16-kii Oktoobar 2016. Waxayna ujeedada ku sheegeen in ay la dagaalamayaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo weeraro ka geysatay Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*