Kenya oo kordhisay wakhtiga cafiska guud ee ay u fidisay dhalinyarada Al-Shabaab ku biiray

Saddex dhalinyaro Al-Shabaab ah oo lagu qabtay dagaaladii Puntland iyo Al-Shabaab bishii Maarso, 2016. [Sawirka: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd u kordhisay wakhti aan xad lahayn u soo bandhigida cafis guud dhalinyarada kuwaasoo ay jiideen ayna xagjireeyeen kooxda A-Shabaab kadib markii loo balanqaaday taageero dhaqaale.

Isku-duwaha gobolka xeebta Nelson Marwa ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in dowlada ay sii wadi doonto dhaqan-celinta kuwa kasoo noqonaya Al-Shabaab si aan wakhti lahayn.

Warsidaha Kenya kasoo baxa ee Capital FM oo soo xiganaya Marwa ayaa sheegay “Mid walba oo taabici ah waa in uu ogaadaa u yeerida uuna ka baxaa sababtoo ah lama dagaalami kartid dowlada. Taasaan kuu cadaynayaa. Kama waaban kartid dowlad sharci ah mana jirto wax ficil ah oo kaa dhan ah oo lagaa qaadi doono.”

Barnaamij hore oo cafis guud ahaa, kaasoo uu iclaamiyay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery bartamihii bishii Maarso 2015-kii, ayaa dhacay bartamihii bishii May ee 2015-kii.

Dhaqalan-celin hore oo ay Kenya samaysay, ayay ku ogaatay in intoodii badnaa dadkii soo laabtay ay sheegeen in ay shaqo la’aan darteed go’aansadeen in ay ku biiraan Al-Shabaab, taasoo u soo bandhigtay taageero dhaqaale.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya, tan iyo bishii Maarso 2015-kii, in ka badan 1,000 dhalinyaro Al-Shabaab ah ayaa isku soo dhiibay saldhigyada kala duwan ee ciidamada booliiska Kenya ay ku leeyihiin dalka oo dhan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*