Kantaroolada Garoowe oo la rari doono kadib markii ay magaaladu ku fiday

Kantaroolka koonfureed ee Garoowe.[Isha Sawirka: Cabdi Cumar Bile/Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kantaroolkii koonfureed ee magaalada Garoowe ayaa loo rarayaa deegaanka Laacdheeree oo kuyaala duleedka magaalada, sida uu sheegay duqa magaalada.

Duqa magaalada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in rarida kantaroolada ay sababtay fidista magaalada.

“Waxaan ugu talogalnay kantaroolada aan magaalada ka qaadayno maadaama magaaladu ay u fidayso ayna gaartay kantarooladii horey u yaalay, si aan amniga magaalada u ilaalino magaaladuna ay u fido ayaanu kantaroolada waxaan u geynaynaa meelaha banaanka magaalada ah,” ayuu yiri duqu oo ka hadlayay goobta laga dhisayo dhismaha kantaroolka cusub.

Duqa ayaa intaas ku daray in goobta laga dhisayo kantaroolka cusub ay 15 kiilomitir magaalada u jirto, waxaana uu xusay in muddo bil gudaheed ah lagu dhamayn doono dhismaha.

Sidoo kale kantarool kale oo cusub ayaa la geyn doonaa dhanka waqooyi waxaana socda dhismihii, sida uu sheegay duqu.

Garoowe oo sanadkii 1998 loo doortay caasimada Puntland, ayaa tan iyo wakhtigaas si weyn u balaaranaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*