Kalluumaysatada maxaliga ah ee Bandar-bayla oo ka cabanaya doonyo iyo maraakiib jariif daran ka wada xeebahaas

Kalluumaysatada maxaliga ee Bandar-bayla oo ka cabanaya doonyo iyo maraakiib jariif daran ka wada xeebahaas. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Jariifkii ugu xumaa ayaa ka socda baddaha Puntland, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka degmada Bandar-bayla.

Bile Nuur Faarax, oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Bandar-bayla ee gobolka Karkaar, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dadweynaha kunool Bandar-bayla ay ka cabanayaan doonyo iyo maraakiib halkaas ka wada jariif.

“Waxaan idiin soo gudbinayaa dad weynaha kunool magaalada Bandar-bayla iyo soonaheeda oo ka cabanaya jariifka oo xaalufin ba’an ku haya deegaanka Bandar-bayla kana soo gudbay xadkii loogu talogalay oo u soo gudbay meelihii kalluumaysatada maxaliga ah ay ka jilaaban jireen,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.

“Waagii hore waa ka tiro yaraayeen meelaha kalluumaysatada maxaliga ah ay ka jilaabtaan ma aysan soo gaari jirin laakiin hadda waxaaa dhacday in magaalada Bayla dusheeda meeilihii dadka kalluumaysatada ay shabakadaha dhigan jireen 200 doonyood ilaa 300 doonyood ay dul taaganyihiin, waxaasay halkaas ka jilaabayaan.” Ayuu ku daray.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Bandar-bayla ayaa intaas ku daray in dadka halkaas kunool ay ka caroodeen jariifkaas ka socda baddooda.

“Dadkii meelahaas joogay waa ay kacsanyihiin waxaana ku dhacay caro wareer, waxayna cabasho u soo gudbiyeen annaga oo maamulka ah, waxayna leeyihiin waxaan hanaga tageen, haddii kale anagaa iska celinayna,” ayuu yiri Bile Nuur Faarax,.

“Marka waxaan u sheegaynaa oo ka codsanaynaa dowladda iyo cidii waraaqaha soo sii-say waliba gaar ahaan wasaaradda kalluumaysiga in ay la hadasho dadkii ay wax siisay oo ay tiraahdo ka durka meelaha kalluumaysatada maxaliga ah ay ka jilaabtaan.” Ayuu ku daray.

Asbuucii lasoo dhaafay, Ilo-wareedyo codsaday in aan magacooda la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ay maraakiib badan oo jariif ah ay u ogolaatay in ay xeebaha Puntland ka kalluumaystaan.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Kalluumaysigu ay dhaqaale aan la aqoon cadadkeeda ay ka qaateen maraakiibtaas jariifka ah.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen maraakiibta ayaa waxaa laga leeyahay dalalka Koonfurta Kuuriya, Shiinaha iyo Thailand, waxaana heshiis la galay masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo ganacsato deegaanka ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa horey u tilmaamay in kalluumaysiga sharci darada ah uu yahay “musiibo qaran”, balse wali dowladdiisu ma aysan samayn wax tilaabo ah oo looga hortagayo musiibadaas.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xeebaha Soomaaliya ayaa baylah u noqday maraakiibta kalluumaysiga sharci darada ah ee ajaaniibta, kuwaasoo heshiisyo hoose la gala masuuliyiinta maamul goboleedyada.

Dhaqaale gaaraya malaayin dollar oo kalluun ah ayaa lagu qiyaasaa in sanad walba laga xado baddaha Soomaaliya oo ah dalka ugu xeebta dheer qaarada Afrika.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*