Kalfadhiga 44-aad ee baarlamaanka Puntland oo soo xirmay

Baarlamaanka Puntland. [Isha Sawirka: Puntland Parliament]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kalfadhiga 44-aad ee golaha baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco soo xirmay, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.

Intii kalfadhiga uu socday, kaasoo soo bilaabmay bartamihii bishii June, golaha baarlamaanka ayaa ka dooday arrimo badan oo ajandaha ku jiray.

Xiritaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdirixmaan iyo guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed Bukhaari.

Sida uu qabo dastuurka dowladda Puntland, baarlamaanka oo ah golaha shacabka ayaa leh labo kalfadhi sanadkiiba. Kalfadhiga xiga ayaa furmi doona bisha Oktoobar ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*