Kalafadhiga 37-aad ee baarlamaanka Puntland oo Garoowe ka furmay

Garoowe-(Puntland Mirror) Kalafadhigii 37-aad ee golaha wakiilada Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay caasimada Puntland, Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdulaahi Camay iyo xubno kamid ah golaha wasiirada ayaa ka qaybgalay kalafadhiga baarlamaanka.

Kalafadhigan oo noqonaya kalafadhigii 37-aad ee intii u jiray golaha baarlamaanka Puntland iyo kalafadhigii lixaad ee inta uu jiray baarlamaanka hadda jooga waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan.

Inta uu socdo kalafadhiga waxaa looga doodi doonaa la xisaabtanka haayadaha dowlada iyo ajandayaal kale, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalafadhiga ayaa waxa uu khudnadiisa inteeda badan uga hadlay waxyaabaha ay qabatay xukuumadiisa intii u dhaxaysay kala fadhigaan 37-aad iyo kii 36-aad.

Madaxweyne Cabdiweli waxaa uu sheegay in dawladdu ay horumarro la taaban karo ka gaartay dhinacyada Ammaanka, siyaasadda, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, dhiirrigelinta ganacsiga, dhowrista deegaanka badda iyo berriga, soo celinta hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland iyo kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ah.

Cabdiweli ayaa sidoo kale hambalyo u diray ciidamada difaaca Puntland waxaana uu ku ammaanay guulihii lama illaawaanka ahaa ee ay kasoo hooyeen kooxihii argagixisada alshabaab ka tirsanaa ee duullaanka kusoo qaaday  dhulka Puntland.

“Haddii gacanta cadowgu ku gaarto adigoo dalkaaga iyo dadkaaga u shaqaynaya waxaa tahay shahiid, haddii cadow kugu soo duuley aad iska difaacdana waxaa tahay Mujaahid” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Isagoo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali waxaa uu sheegay in dawladda Puntland ay dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa wax ku qaybsiga qabiilka ee 4.5 isla markaana go’aan kama dambays ah oo dammaanad qaad leh laga gaarey in aan mar dambe dalka dib loogu celin hannaankaas oo hore u soo ragaadiyey dalka Soomaaliya.

Ugu dambayna, Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliyeed in ay waqtiga yar ee dhiman ay uga faa’iideyaan shacabka Soomaaliyeed ayna isla markaana ka shaqeeyaan hirgelinta doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September sidii lagu heshiiyey shirarkii Madasha watashiga qaran.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*