Kalafadhiga 39-aad ee Baarlamaanka dowladda Puntland oo ka furmay caasimada Garoowe

Kalafadhiga 39-aad ee Baarlamaanka dowladda Puntland oo ka furmay caasimada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kalafadhiga 39-aad ee Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ka furmay caasimada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa si rasmi ah u furay kalafadhiga.

Khudbad dheer oo baarlamaanka uu kasoo horjeediyay madaxweyne Cabdiweli ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamidyihiin ammaanka iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale arrimaha federaalka.

Inta uu socdo kalafadhigu ayaa la filayaa in xildhibaanada ay ka doodaan ajandayaal badan oo horyaala Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*