Kadib ku dhawaad 25 sanno oo ay maqantahay, Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib gacanta ugu dhigto maamulka hawadeeda

Rakibida qalabka lagu maamuli doono hawada dalka ayaa ka socota gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Mogadishu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kadib ku dhawaad 25 sanno oo ay maqantahay, Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib gacanta ugu dhigto maamulka hawadeeda, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Isaga oo la hadlayay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho, wasiirka gaadiidka iyo hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeynayso sidii ay dib ugu heli lahayd maamulka hawadeeda.

Rakibida qalabka lagu maamuli doono hawada dalka ayaa ka socota gudaha Muqdisho, sida uu sheegay wasiirku.

Haayada International Civil Aviation Organization (ICAO) ayaa maamulaysay hawada Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka sanadkii 1991.

Intii lagu guda jiray ololihii doorashadiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa balanqaaday in uu soo wareejin doono maamulka hawada dalka oo uu kasoo celin doono ICAO kuna soo celin doono gacanta Soomaaliya.

Hawada Soomaaliya ayaa celcelis ahaan lagu qiyaasaa in ay soo saarto dakhli gaaraya $7 milyan, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*