In ka badan 100 askari oo Somaliland katirsan oo isku soo dhiibay Puntland

Ciidanka isa soo dhiibay waxay qeyb ka ahaayeen guutada Gacan Libaax oo katirsan ciidamada Somaliland. [Screenshot]
Garoowe-(Puntland Mirror) In ka badan 100 askari oo Somaliland katirsan ayaa isku soo dhiibay Puntland, taleefishinka dowladda ee PL TV ayaa ku waramay fiidnimadii Axada.

Ciidanka isa soo dhiibay ayaa waxaa deegaanka Har-wanaag ee gobolka Sool ku soo dhaweeyay taliyeyaal katirsan ciidamada Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne.

Waxay qeyb ka ahaayeen guutada Gacan Libaax oo katirsan ciidamada Somaliland, sida uu sheegay PL TV, oo soo xiganaya taliyeyaal ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*