Juxa oo gaaray Jowhar si uu uga qeybgalo doorashada madaxweynenimada Hir-Shabeelle

Juxa oo gaaray Jowhar si uu uga qeybgalo doorashada madaxweynenimada Hir-Shabeelle. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta wasiirka]
Jowhar-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaan Juxa ayaa maanta oo Jimce ah tagay magaalada Jowhar si uu uga qeybgalo doorashada madaxweynenimada Hir-Shabeelle, taasoo la qorsheeyay in ay dhacdo beri.

Juxa ayaa waxaa garoonka Jowhar ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Bare Maxamed.

Wasiirka ayaa waxaa weheliya masuuliyiinta dowladda federaalka katirsan oo ay kamidyihiin xildhibaano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*