Jubbaland oo martigelin doonta shir ay yeelan doonaan madaxda maamul goboleedyada dalka

Sawirka: Madaxweynaha Jubaland Axmed. Maxamed Islaam.

Kismaayo-(Puntland Mirror) Magaalada Kismaayo ayaa dhawaan lagu qaban doonaa shir ay yeelan doonaan madaxda maamul goboleedyada dalka, sida uu sheegay madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta shir guddoominayay kulan aan caadi ahayn oo golaha wasiiradda Jubbaland ku yeesheen Kismaayo ayaa sheegay in dhawaan halkaas uu ka dhici doono shir u dhaxeeya madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Shirkaas ayaa looga hadli doonaa khilaafkii soo kala dhexgalay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo ka dhashay  go’aanka Soomaaliya ee ku aadan khilaafka Khaliijka, sida uu sheegay Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*