Jubbaland oo ciidamo u dirtay deegaano ay Al-Shabaab kula dirirtay dad xoolo dhaqato ah

 Jubbaland oo ciidamo u dirtay deegaano ay Al-Shabaab kula dirirtay dad xoolo dhaqato ah. [Sawirka: Puntlandi]

Jubbaland oo ciidamo u dirtay deegaano ay Al-Shabaab kula dirirtay dad xoolo dhaqato ah. [Xuquuqda Sawirka: Puntlandi]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo boqolaal ah u diray deegaamo ay dhawaan ku dagaalameen dad xoolo dhaqato ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam sidoo kale ah taliyaha ciidamada Jubbaland ayaa amar ku bixiyay in cutubyo ciidamo ah loo diro galbeedka gobolka Jubbada Hoose si ay u garab istaagaan dadka shacabka ah ee maleeshiyada dagaalka kula jira.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo Al-Shabaab ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacay galbeedka gobolka Jubbada Hoose, dagaalka ayaa qarxay kadib markii ay Al-Shabaab dadka ku khasbeen in ay Sako ahaan u bixiyaan xoolo tiro badan.

Dagaladaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo toban qof oo labada dhinac oo dirirtu dhexmartay ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaamada ay maamulaan mar walba ku khasba in ay sako ahaan u bixiyaan xoolo tiro badan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*