Jawaari oo iclaamiyay in uu markale u tartamayo guddoomiyaha baarlamaanka

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari. [Sawirka: Archive]
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmiya maanta oo Arbaco ah u iclaamiyay musharaxnimadiisa.

Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in uu mar kale u tartamayo jagada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Mudadii afarta sanno ahayd ee lasoo dhaafay oo uu xafiiska joogay ayaa lagu ammaanay in uu la yimid maamul wanaag ka duwan guddoomiyaashii hore baarlamaanka ee dowladda federaalka soo maray, sida ay sheegeen khuburada falaanqeysa siyaasadda Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*