Jawaari oo codsaday in mooshinka isaga ka dhanka ah 10 maalmood gudahood lagu horkeeno baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya Maxame Shiikh Cusmaan Jawaari. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa codsaday in mooshinka kalsooni kala noqoshada ee isaga ka dhanka ah 10 maalmood gudahood lagu horkeeno baarlamaanka.

Shir saxaafadeed maanta oo Axad ah uu ku qabtay Muqdisho ayuu sidoo kale ku sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in uu iscasili doono, isaga oo ku tilmaamay kuwa iscasilaadiisa doonaya in ay riyoonayaan.

Jawaari ayaa codsaday in laga qaado ciidamadda la keenay xarunta baarlamaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay khilaaf balaaran ayaa ka taagnaa baarlamaanka Soomaaliya oo ku saabsan mooshin ka dhan ah Jawaari.

Jawaari ayaa ku eedeeyay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre in uu dabada ka riixayo mooshinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*