Jarmalka oo soo gabagabeeyay howlgalka milatari ee gudaha Soomaaliya

Saraakiil katirsan ciidamada tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo booqanaya xero ciidan oo kutaala Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: EUNAVFOR]
Berlin-(Puntland Mirror) Jarmalka ayaa si rasmi ah u soo afjaray howlgalkiisii tababarada milatariga ee gudaha Soomaaliya, taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa sheegay maanta oo Talaado ah.

Ciidamada Jarmalka ayaa si dhammeystiran u soo gabagabeeyay ka bixitaanka ciidamadooda iyo qalabkooda gudaha Soomaaliya, sida ay daabacday wakaalada wararka Anadolu, oo soo xiganeysa website-ka ciidamada Jarmalka.

“Mustaqbalka, joogista Jarmalka ee gudaha Soomaaliya waxay diirada saari doontaa horumarinta dhismayaasha bulshada si loo xaqiijiyo ammaanka bulshada,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay website-ka.

Wargeyska asbuuclaha ah ee Jarmalka kasoo baxa ee Der Spiegel ayaa sheegay in khatarta amniga ee wadanka ka jirta ay kaalin ka qaadatay go’aanka Berlin ee ah inaysan sii kordhin doonin askarta tababarka ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 2010, Jarmalka ayaa ku dhawaad tobonaan ciidamo ah ku lahaa tababarka ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo tababaray in ka badan 5,600 askar Soomaali ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*