Jarmalka oo dhimay taageero maaliyadeed oo ay ku bixin lahaayeen isbitaalka guud ee Garoowe

Wasiirka caafimaadka Jaamac Faarax Xasan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Jarmalka ayaa dhimay taageero maaliyadeed oo ay ku bixin lahaayeen isbitaalka guud ee Garoowe, sida uu sheegay wasiir.

Isaga oo ka hadlayay Garoowe Sabtidii, wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Jarmalku ay dhimeen taageero dhaqaale oo lagu balaarin lahaa isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

“Labo bilood kahor ayay ahayd markii wefdi Jarmal ka socda noo yimaadeen, waxay noo sheegeen in aysan doonayn in ay isbitaalka u dhisaan sidii markii hore ay u qorsheeyeen, markii an weeydiinay sababta, waxay sheegeen in dhismaha hadda jira ee isbitaalka uusan si fiican u shaqeyn, sidaa darteed dhismaha cusub uusan keeni doonin wax muhiimad ah,” ayuu yiri Jaamac.

“Waanu ka doodnay, balse waxay ogolaadeen lacag ka yar tii markii hore ay qorsheeyeen.” Ayuu ku sii daray.

Sanadkii 2017, Jarmalka ayaa balanqaaday lacag gaareysa $ 31 milyan in ay ku balaarin doonaan isbitaalka guud ee Garoowe, kaasoo ay dhistay xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*