Janaraal Siciid Dheere oo qorsheynaya in uu u tartamo madaxweynenimada Puntland 2019

Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan Siciid Dheere. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan Siciid Dheere, ayaa lagu waramayaa in uu qorsheynayo in uu u tartamo madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka.

Ilo-wareed ka ag-dhow Janaraalka, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in uu qorsheynayo in uu isu soo taago madaxweynaha Puntland.

Siciid Dheere ayaa hadda ah taliyaha ciidamada difaaca Puntland.

Taliyaha ayaa la filayaa in dabayaaqada sanadkan uu ka tagi doono xilka uu hadda hayo si uu u galo ololihiisa doorashada, sida Ilo-wareedku sheegay.

Waxa uu taariikh dheer ku leeyahay ciidamada Puntland iyo Soomaaliya. Isaga oo soo noqday taliyaha ciidamada qaranka Soomaaliya xilligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ahaa madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ahaa saaxiibka ugu dhow ee Cabdullaahi Yuusuf, isaga oo kala soo qeyb qaatay ilaa iyo halgankii SSDF ama Kulmis.

Janaraalka ayaa u muuqda in uu doonayo in ciidamada ay saameyn ku yeeshaan xukunka tan iyo maamuladii Cabdulaahi iyo Cade oo ahaa saraakiil ciidan, halka labadii maamul ee u dambeeyay ay Puntland maamulayeen siyaasiyiin rayid ah.

Dadka falaanqeeya siyaasadda ayaa amminsan in Siciid Dheere uu heli karo taageero badan marka loo fiirsho ixtiraamka iyo qadarinta uu ku leeyahay shacabka Puntland.

Maalmihii, u dambeeyay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha hadda xilka haya ee Cabdiweli, khilaafka ayaa ku saleysan kadib markii taliyuhu damcay in uu shaqada ka tago isaga oo sheegay in uu daneynayo in uu madaxweyne u tartamo.

Sida wararku sheegeen, taliyaha ayaa sidoo kale aan ku qanacsanayn qaabka uu madaxweynuhu u maamulay is-mariwaaga wakhtiga dheer ka jira deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Saddex bilood ayaa ka harsan doorashada madaxweynenimada Puntland oo la filayo in ay qabsoonto bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka.

Musharixiin badan ayaa u tartamaya xilkaas, kuwaasoo hadda ololahooda ka bilaabay gobolada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*