Jabhad ka dhan ah Somaliland oo ka soo baxday gobolka Awdal

Jabhada Cawaale ee Awdal iyo Salal. [Screen-shot]
Boorame-(Puntland Mirror) Jabhad cusub oo hubeysan ayaa ka soo baxday gobolka Awdal ee Somaliland, sida lagu sheegay muuqaal lagu daabacay baraha bulshada.

Jabhada oo la magacbaxday Cawaale ayaa sheegtay in ay hubka u qaateen sidii ay maamulka Somaliland uga xoreyn lahaayeen gobolada Awdal iyo Salal, oo ah deegaanada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.

Sida ay ku sheegeen muuqaalka, saraakiil u hadlay jabhada ayaa sheegay in cadaalad daro ay kala kulmeen maamulka Somaliland ay u qaateen hubka.

Tani waa jabhadii labaad oo ka bilaabmata gudaha deegaanada Somaliland oo ah maamul sheegtay in ay Soomaaliya ka go’een sanadkii 1991. Kornayl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaan Caare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Somaliland ayaa ka goostay sanadkii 2017 waxaana uu asaasay jabahad uu ugu yeeray “dulmi diid” taasoo fadhigeedu yahay gobolka Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*