Jabhad cusub oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland oo ka bilaabmatay gobolka Sanaag

Jabhada Kornayl Caare. [Sawir Hore]
Badhan-(Puntland Mirror) Jabhad cusub oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland ayaa ka soo baxday gobolka Sanaag, sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland.

Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro oo maamulka Somaliland u qaabilsan gobolka Sanaag oo wareysi siiyay taleefishin maxali ah oo la dhaho Eryal TV ayaa sheegay in ciidamada jabhadaas cusub ay ku suganyihiin deegaano kuyaala gobolka Sanaag.

“Waxaa jiray ciidan yar oo meel la yiraahdo Garabcad deganaan jiray oo la oran jiray waxaa lahaa Buurmadow, ciidaankaas imminka waxaa la sheegayaa in ay u kaceen Puntland, mana ayan tagin Puntland meel isla gobolka Sanaag ah oo Xiingalool ka sokeysa ayay deganyihiin.” Ayuu yiri Tiimbaro.

Waxay noqoneysaa jabhadii labaad oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland oo ka soo baxda gobolka Sanaag.

Boqor Buurmadow oo kamid ah hoggaamiye dhaqameedka Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ay xireen maamulka Somaliland.

Sanadkii 2018-kii, Siciid Cawil Caare, oo ahaa sargaal hore oo katirsanaan jiray ciidamada Somaliland, ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq jabhadeed oo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Jabhadda Caare ayaa maamulka Somaliland ku eedaysay eex iyo cadaalad daro ka dhan ah qabiilkooda, taasoo keentay in ay hubka qaataan.

Puntland oo maamulka Somaliland ay ku loolamayaan gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa jabhada Caare saldhig ka siisay deegaanadeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*