Itoobiya oo sheegtay in ciidamadoodu ku dileen 101 dagaalyahan oo al-Shabaab ah gudaha Soomaaliya

Afhayeenka Dowlada Itoobiya, Getachew Reda.
Afhayeenka Dowlada Itoobiya, Getachew Reda.

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankooda jooga gudaha Soomaaliya ay dileen 101 dagaalyahan oo al-Shabaab ah kuwaas oo Arbacadii weerar kusoo qaaday saldhig ciidan oo ay isticmaalayeen Howlgalka Midowga Afrika ee dagaalka kula jira maleeshiyada al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

Xarakada al-Shabaab ayaa gelinkii hore ee shalay sheegtay in ay weerar culus ku qaadeen saldhiga Halgan oo kuyaala bartamaha gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, sida ay ku sheegeen fariin ay ku qoreen Telegram-kooda.

Afhayeenka dowlada Itoobiya Getachew Reda ayaa beeniyay in ay al-Shabaab dileen tobonaan askartooda ah, iyadoo al-Shabaabna ay kaga dhinteen 16 dagaalyahanadooda ah.

“Al-Shabaab waxay isku dayeen in ay weeraraan ciidamadayada ku sugan bartamaha Soomaaliya laakiin ciidamadayada waxay dileen 101 maleeshiyo ah waxayna burburiyeen qalab culus oo ay lahaayeen,” Getachew ayaa sidaa yiri.

“Wali waxaanu qiimaynaynaa inta qof oo dhankayaga waxyeelo soo gaartay laakiin in ay dileen 43 askari oo Itoobiyaan ah xaqiiqdii waa arrin been ah. Tani waa been abuur ay iyagu samaysteen,” ayuu ku daray.

“Dagaalyahanada Mujaahidiinta ah waxay weerareen saldhig waxayna ku xasuuqeen in badan oo Itoobiyaan ah,” al-Shabaab ayaa sidaa ku sheegtay fariin ay soo dhigeen barta Telegram-ka, waxayna tirada dhimashada Itoobiya sheegeen in ay gaarayso ilaa 60 askari.

Tirada khasaaraha ee nooca weerarkan ayaan macquul ahayn in si madax-banaan loo ogaado. Al-Shabaab badanaa waa ay buunbuunisaa, halka AMISOM aysan si caadi ah u bixin faahfaahinta dhabta ah ee khasaaraha.

 

(Warkaan waxaanu kasoo xiganay oo qortay wakaalada wararka AFP, waxaa turjumay Puntland Mirror)

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*