Isku-aadka afar dhamaadka ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo la soo saaray

Puntland footballers
Xulka Puntland oo tababar ku jira. Sawirka: Cali Ducaale.

Muqdisho-(Puntland Mirror) isku-aadka ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa lasoo saaray, sida ay sheegeen xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

Kooxda Kubada cagta Banaadir oo tartanka martigelinaysa ayaa ku dhacday kooxda Jubaland, Banaadir ayaa Group-koodii kaga soo baxay A, halka Jubaland ay Group-ka kaga soo baxeen B.

Waxaa xusid mudan in Banaadir iyo Puntland oo isku Group ahaa ay isku dhibco Group-ka kaga soo baxeen balse Banaadir ay A kusoo baxday marka loo fiirsho tirada goolasha oo ay hal gool dheeraayeen xulka Puntland.

Dhanka kale, xidigaha Puntland ayaa ku dhacay kooxda Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, kooxda Puntland waxay Group-ka kaga soo baxeen B halka Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ay Group-kooda kaga soo baxeen A.

Ciyaarta ugu horeysa ayaa dhici doonta beri oo Jimce ah waxayna dhexmari doontaa Banaadir iyo Jubaland.

Halka ciyaarta xigta ay dhici doonta maalinta Sabtida, taasoo dhexmari doonta Puntland iyo Shabeelada Dhexe & Hiiraan.

Ciyaarta kama dambaysta ah oo dhexmari doonta afartaas kooxood labada soo baxda ayaa dhici doonta 25-ka bishan Juulay ee 2016.

Waxaa ciyaaraha isaga haray kooxihii ka socday Galmudug iyo Koonfur Galbeed kadib markii ay soo dhaafi waayeen marxalada Group-ka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*