ISIS oo sheegatay masuuliyada weerarkii lagu qaaday huteel kuyaala magaalo xeebeedka Boosaaso

ISIS oo sheegatay masuuliyada weerarkii lagu qaaday huteel kuyaala magaalo xeebeedka Boosaaso. [Sawirka: screen-shot]
ISIS oo sheegatay masuuliyada weerarkii lagu qaaday huteel kuyaala magaalo xeebeedka Boosaaso. [Sawirka: screen-shot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa sheegatay masuulida weerarkii qoryaha loo adeegsaday ee ka dhacay huteel kuyaala magaalo xeebeedka Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay kooxdu ku sheegtay bayaan ay ku qortay warbaahinteeda Acmaaq.

Huteelka lala beegsaday weerarka ayaa la dhahaa International Village, kaasoo badanaa ay isticmaalaan masuuliyiinta dowladda Puntland iyo saraakiisha ammaanka.

Weerarka ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan labo dablayda kamid ah iyo labo kamid ahaa ilaalada huteelka,sida saraakiisha dowladda ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Goobjooge ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dablaydu ay isku dayeen in ay gudaha u galaan huteelka kahor inta aysan toogan ciidamada ilaalada.

Asbuucii lasoo dhaafay, maleeshiyada ISIS ayaa gobolka Bari ku bireeyay saddex askari oo katirsanaa ciidamada Puntland.

7-dii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, ciidamada dowladda Puntland ayaa dib u la wareegay magaalo xeebeedka Qandala, taasoo ku dhacday gacanta ISIS bishii Oktoobar ee sanadkii 2016-ka.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*