ISIS oo sheegatay dilka labo askari oo katirsanaa ciidamada booliiska Puntland oo ka dhacay Boosaaso

Ciidamo booliis ah oo ku sugan xarunta qeybta gobolka Bari. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa sheegatay dilka labo askari oo katirsanaa ciidamada booliiska Puntland oo ka dhacay magaaada Boosaaso, sida lagu daabacay wakaalada wararka ISIS ee Acmaaq maanta oo Isniin ah.

Sheegashadeeda ayaa timid kadib markii taliyaha ciidanka booliiska qeybta gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud uu sheegay in labo katirsan ciidanka booliiska ay toogteen dablay aan haybtooda la aqoon gudaha gudaha Boosaaso fiidnimadii Axada.

ISIS oo ah koox yar oo sanadkii 2015 bilowday kacdoonkeeda gobolka, ayaa weeraro badan oo ay la beegsatay masuuliyiinta dowladda, ciidamada, iyo dad shacab ah ka geysatay gudaha magaalada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Kooxdan oo uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin oo horey uga tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dhuumanaysa deegaanada miyiga ah ee gobolka Bari.

Sanadkan 2019, Mareykanka ayaa duqeymo ku dilay ku dhawaad 30 dagaalyahan oo katirsanaa ISIS oo uu ku jiray Cabdixakiin Dhuqub, oo ahaa ku xigeenka taliska ISIS ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*