ISIS oo nolol ku gubtay labo askari oo Turki ah

Labada askari ee Turkiga ah oo ay ISIS gubtay. [Sawirka: Daily Mail]
Labada askari ee Turkiga ah oo ay ISIS gubtay. [Sawirka: Daily Mail]
London-(Puntland Mirror) Kooxda ISIS sidoo kale loo yaqaan Daacish ayaa sii daysay muuqaal muujinaya labo askari oo Turki ah oo ay nolosha ku gubtay, askarta ayay afduubasho u haysatay.

Muuqaalka oo soconaya 19-daqiiqo, ayaa muujinaya labo nin oo qaba tuutaha ciidamada oo qafis laga soo saarayo kahor intaan dab la qabadsiin.

Wakaalada wararka u buunbuunisa kooxda ISIS ee Amaq ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay in kooxda ay afduubteen labo askari oo Turki ah, ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay waayeen xiriirka labo kamid ah ciidamadooda.

Sanadkii hore, duuliye u dhashay dalka Urdun ayaa sidaan oo kale ay nolosha ugu gubtay ISIS, kadib markii ay nolol ku qabteen, isaga oo diyaarad dagaal uu waday oo duqeynaysay ISIS ay ku burburtay meelaha ay ka taliyaan kooxdaas.

Warbaahinta bulshada oo la xiray

Turkiga ayaa xiray isticmaalka shabakadaha bulshada, sida Twitter, Facebook iyo You Tube kadib markii ay kooxda ISIS sii daysay gubitaanka labada askari ee Turkiga u dhashay, si aysan u arag ehelada labada askari iyo shacabka kale ee Turkiga ah.

Muuqaalka ayaa imaanaya maalin kadib markii kooxda ISIS ay dagaal ka dhacay gudaha dalka Suuriya ku dishay 16 askari oo Turki ah, taasoo ahayd khasaarihii ugu badnaa oo hal maalin soo gaara ciidamada Turkiga tan iyo markii ciidamadoodu gudaha u galeen Suuriya.

Turkiga ayaa markii kowaad taangiyadiisu waxa ay ka gudbeen xadka Suuriya bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, si ay ula dagaalamaan dagaalyahanada kooxda ISIS iyo xoogaga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Suuriya, kuwaasoo sheegtay masuuliyada weeraradii ugu dambeeyay argagixiso oo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha magaalooyinka Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*