ISIS iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay deegaan u dhow magaalo xeebeedka Qandala

Maleeshiyada ISIS ku sugan Puntland, Soomaaliya. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntand Mirror) Maleeshiyooyinka ISIS iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay gudaha Puntland, sida ay ku warantay warbaahinta ISIS ee Amaq.

Dagaalka ayaa Sabtidii ka dhacay deegaanka Bir Miirali oo u dhow magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari.

ISIS ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen 14 xubnood oo Al-Shabaab katirsanaa.

“Shalay, ciidamada khaliifada ayaa si weyn dusha uga maray koox katirsan ururka Al-Qaacida ee Soomaaliya meel u dhow deegaanka Bir Miirali oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Qandala, halkaas oo ay isku diyaarinayeen in ay weerar ku qaadaan saldhiga dowladda Islaamiga ah,” sidaa ayaa lagu yiri bayaanka lagu daabacay wakaalada wararka Amaq. Iyada oo intaas ku dartay: “14 kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay hubkoodii iyo qalabkoodiina waa la qabtay.

Marka laga tago sheegashada ISIS ma jiraan ilo madax-banaan oo si rasmi ah u xaqiijin kara dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Waa markii labaad oo ay dagaalamaan labada maleeshiyo tan iyo markii sanadkii 2015 koox yar oo horey uga tirsaneyd Al-Shabaab oo uu hoggaaminayay Cabdulqaadir Muumin iclaamiyeen in ay ku biireen ururka ISIS sidoo kale loo yaqaan Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*